Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Itoobiya oo Faah faahin ka bixisay Duqeyn waqti dheer socotay oo ay la beegsadeen Al Shabaab

Wasaarada Gaashaandhiga dalka Itoobiya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay khasaaraa ka dhashay duqeyn xoogan oo diyaaradaha dagaalka Itoobiya ka fuliyeen deegaan kuyaala duleedka magaalada Baydhabo.

War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Gaasgaandhiga Itoobiya ayaa lagu sheegay in diyaaradahooda dagaalka duqeyn culus la beegsadeen saldhig Al-Shabaab ku lahaayeen deegaan 75KM u jirta Baydhabo.

Wasaarada Gaashaandhiga Qoraalka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in duqeynta oo socotay ku dhawaad Saacad lagu dilay 35-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab tiro kalana lagu dhaawacay.

Duqeynta ay diyaaradaha dagaalka Itoobiya ka fuliyeen ayaa jawaab u aheyd weerar culus oo Al Shabaab 18-kii bishan la beegsadeen kolonyo gaadiid ah ay wateen ciidamada Itoobiya xili ay marayeen duleedka Degmada Buurhakaba.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia oo loogu deeqay 17 milyan oo dollar iyo arrin deg deg ah oo wax looga qabanayo

Caydiid Ali

Burcad shacabka ku dhaceysay bastoolad caag ah oo Muqdisho lagu qabtay

Caydiid Ali

Khamri badan oo si Qarsoodi ah lagu galin rabay Boosaaso oo la qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---