Madaxweyne Al Bashiir oo xaaladu ku xun tahay kana hadlay wal walka uu qabo

Dalka Suudaan waxaa ka socda banaan baxo rabshada wata oo looga soo horjeedo qiimaha maciishada ee sare u kacday iyo sidoo kale siyaasada uu dalkaasi ku hogaamiyo Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir.

Banaan baxyada ka socday dalka Sudan ayaa markii hore ku bilowday mid looga soo horjeeday sarakac ku yimid qiimaha maciishada gaar ahaan rootiga, hasa ahaatee banaan baxa ayaa isku rogay mid siyaasadeed oo Madaxweynaha looga soo horjeedo.

Madaxweyne Cumar Al Bashiir ayaa sheegay inay jiraan dadaallo la doonayo in dalkiisa rabshado iyo qalalaase looga abuuro isla markaasna ay jiraan isku dayayo ah in lagu tallaabsado dhaqdhaqaaqyo lamid ah kuwi gu’gii carabta.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Suudaan in dalkiisa ay ka jiraan dhibaatooyin balse aysan aheyn qalalaasaha ay tebinayaan warbaahinta, waxa uuna meesha ka saaray baaqa kasoo yeeraya dadka dhigaya banaan baxyada.

Madaxweynaha Suudaan ayaa booqasho ku tagay dalalka Qadar iyo Masar si uu taageero uga helo, waxa uuna Madaxweynaha hada ka walaacsan yahay in banaan baxyada looga soo horjeedo isku bedelaan kii horey xilalka looga tuuray Hogaamiyaal carbeed oo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -