Allbanaadir.com
NEWS

Wefdi ka socday Boqortooyada Sacuudiga oo soo gaaray Muqdisho (Daawo Sawirro)

Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray wefdi ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, wafdigan ayaana Muqdisho waxaa kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya.

Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa la kulmay wefdi ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka & Iskaashiga labada dal.

Waxa ay sidoo kale kale Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha iyo wefdiga Sacuudiga kawada hadleen dib u furista safaaradda Sacuudiga ee Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhaxeeya labada dal.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa kamid ah dowlaha Carbeed ee taageera dowladaha Soomaaliya, waxaana taageerada dowladan ee Soomaaliya hoos u dhigtay markii Soomaaliya xiriir dhaw la leeyahay dowlada Qadar oo ay isku xumaadeen Sacuudiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo la xisaabtamay agaasimayaasha dakhliyada u qaabilsan

Cabdi Cade

Ciidanka Nabad Sugida oo hub kasoo furtay dagaalyahno katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Laftagareen oo ka tagay Muqdisho xili uu fashilmay xalinta Khilaafka Farmajo iyo Roble (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---