Qofkii Labaad oo ku sugan Muqdisho oo laga helay Caabuqa Caronavirus

Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Soomaaliya ayaa goordhaw shaacisay in qofkii labaad oo ku sugan magaalada Muqdisho laga helay caabuqa Caronavirus kadib baaritaan lagu sameeyay.

Wasiirka  Wasaarada Caafimaadka  Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in caabuqa Caronavirus laga helay mid kamid ah afar sargaal oo dhawaan tababar kusoo qaatay dalka Talyaaniga dibna ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Waxa ay sheegtay Wasiirka Caafimaadka in muwaadinkan Soomaaliyeed ee laga helay Caroanvirus in dowlada si gaar ah gacanta ugu heysyo ayna la tacaaladi doonto xaaladiisa caafimaad.

Ninkan laga helay Caronavirus ayaa kamid ahaa afar sargaal oo kasoo laabtay dalka Talyaaniga oo tababar ay kusoo qaateen, waxaana saraakiishan markii Muqdisho kasoo degeen lagu karantiilay goob gaar ah si loola socdo xaaladooda caafimaad.

Wasaarada Caafimaadka ayaa horey u xaqiijisay in Caronavirus laga helay qof ka yimid dalka dibadiisa gaar ahaan Shiinaha, waxa uuna kiiskan maanta soo shaac baxay noqonayaa kii labaad ee laga helo Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -