Dayuurado dagaal oo duqeeyey Al-Shabaabkii ka laabtay Weerarkii Baar-sanguuni

Warbaahinta ku hadashada afka Maamulka Jubbaland ayaa baahisay in dagaalyahanadii Shabaab ka tirsanaa ee soo saaka weeraray degaanka Baar-sanguuni hawada laga duqeeyey markii ay ka laabteen degaankaas, ayna ku sii socdeen goobihii ay ka soo duuleen.

Saraakiisha ciidamada Juballand ayaa sheegay in xoogaga Al-shabaab markii ay ka laabteen Baar Sanguuni ay dayuurado dagaal oo uu Maraykanku leeyahay hawada ka duqeeyeen meel u dhexeysa degaanka Baar sanguuni & buundada Araare.

“Kooxda argagaxisada markii lagu jebiyey weerarkii ay ku soo qaadeen Baar-sanguuni ayaa haraadigoodii oo baxsad ah waxay dayuurado dagaal ku duqeeyeen meel ku dhow Baar sanguuni, gaadiid ayaa laga gubay, meydad 50 ka baddana wadada ay daadsan yihiin” ayuu yiri sarkaalkan.

Sawirro duqeyntan ku saabsan oo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya gaadiid ay wateen Al-shabaab oo la burburiyey iyo meydadka dagaalyahano ka tirsan oo daadsan hareeraha gaadiidkan.

Meydadka ayaa kuwo qaarkood jarjarmay halka kuwo kalena ay gubteen, sida la arki karo sawiradan oo aanu ka xunahay inaanan idin soo bandhigi Karin sababo la xiriira anagoo ilaalineyna dareenka akhristayaasheena sharafta leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -