Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xogta kulan dhexmaray RW Ku-xigeenka DF & Wasiirka arrimaha dibeda Turkiga (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka dalka Mudane Salah Jama ayaa Magaalada Banjul ee dalka Gambia kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Hakan Fidan.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo dardar gelinta iskaashiga dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Waxbarashada.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Saalax Axmed Jaamac ayaa caasimadda Gambia ee Banjul kaga qeyb-galayo shir madaxeedka dalalka islaamka.

Wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan geeska Afrika, badda cas iyo gacanka cadmeed Danjire Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac oo wakiil ka ah Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka qeyb-galayo shir madaxeedka dalalka islaamka oo maanta ka furmaya magaalada Banjul.

Shir madaxeedkan oo goor-dhow furmaya ayaa looga hadli doonaa arrimaha siyaasadda ee saamaynta ku leh dunida islaamka, si gaar ah arrinta Falastiin.

Ajandaha shirka waxaa sidoo kale lagu soo hadal-qaadi doonaa diididda hadallada islaam nacaybka, kor u qaadidda wadahadalka, arrimaha isbeddelka cimillada iyo sugnaanta cuntada.

Related posts

Elon Musk oo dhax dhaxaadinaya dowladaha Mareykanka iyo Iran xilli ay…

Cabdi Cade

Qorshe Muqdisho lagu keenayo Hogaanka Ahlu Sunna oo socda iyo Macalin Maxamuud oo…

Cabdi Cade

Ciidanka ATMIS oo howlgalo ka bilaabay gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---