Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Madaxweyne Laftagareen oo sameeyay Xil ka qaadistii iyo Magacaabistii ugu horeesay

Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Laftagareen ayaa sameeyay xil ka qaadistii iyo magacaabistii ugu horeesay tan iyo markii xilka Madaxweynaha loo caleemo saaray.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa xilka looga qaaday Gudoomiyihii gobolka Baay Cali Wardheere Cabdiraxmaan , waxaana xilkaasi loo magacaabay Gudoomiye cusub oo lagu magacaabo Saadaad Maxamed Nuur Caliyow.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la filayaa maalmaha soo aadan in sidoo kale sameeyo xil ka qaadis iyo magacaabis, waxaa sidoo kale Madaxweynaha laga sugayaa in uu soo dhiso golle Wasiiro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Trump oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Zelenskyy

Cabdi Cade

Maraykanka oo War ka soo gaaray weerarkii Al-Shabaab ku qaaday xerada Camp Simba

Caydiid Ali

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo Carro uga baxay Shir uu guddoominayay Uhuru Kenyatta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---