Guddoomiye Yarisow oo ka codsaday Shacabka Gobolka Benaadir in lala shaqeeyo maamulka(Daawo Sawirada)

Munaabasad si heer sare loo soo agaasimey oo lagu soo dhaweynayey Guddoomiyaha cusub ee gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa xalay lagu qabtay Beerta Nabadda, waxana ka soo qeyb galay, Wasiirro, Xildhibaano, Saraakiil, siyaasiyiin caan ah iyo qeybaha bulshada.
 
Munaasabadda ayaa waxaa heeso wadani ah ka qaaday fanaaniinta qaranka, Abwaano ka tiriyey gabayo iyo geeraaro kala duwan, iyo majaajilaystayaal ku cabirayey suugaantooda marxalada uu dalku marayo iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in ummadda Soomaaliyeed ay gacmaha is qabsadaan, gaar ahaan dadka  Muqdisho.
 
Furitaanka Munaasabadda waxaa hadal isugu jiray guubaabo iyo soo dhaweyn ka jeediyey Guddoomiyihii hore ee gobolka Benaadir Mudane Maxamuud Axmednuur Tarsan, waxuuna ka codsaday shacabka ku dhaqan Caasimadda in lala shaqeeyo maamulka cusub, isagoo ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay Muqdisho iyo horumarinta adeegyada danta guud, sida dhismaha jidadka, jardiimooyinka iyo gaarsiinta maamul hufan degmooyinka gobolka Benaadir.
 
Ugu danbayntii Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho  oo soo xiray munaasabadda ayaa ka mahadceliyey soodhaweynta loo sameeyay. Waxuna ku baaqay midnimo iyo wadajir lagu gaarayo danta guud iyo in magaalada Muqdisho oo ah astaanta midnimada qaranka Soomaaliyeed loo baahan yahay in tartan ay la gasho caasimadaha kale ee caalamka, taasina ay tahay waxa kaliyee lagu gaari karo in dadka degan ay la shaqeeyaan maamulkooda, isla markaana ay bixiyaan canshuurta oo qeybta ugu weyn ka qaadan karta dhismaha iyo bilic-soo celinta, maamulkiisuna si dhow uga shaqeynayo baahida gobolka Benaadir.
 
Eng. Yarisow ayaa soo hadal qaaday dhulalka danta guud, waxuuna hoosta ka xariiqay in wax walba oo dan guud ah aan loo adeegsan doonin dano gaar ah, isla markaana arrimaha dhulalka loo magacaabi doono guddi si gaar ah  uga shaqeeya. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay barakacayaasha ku nool magaalada sidii xal loogu heli lahaa, tani oo qeyb ka ah qorshaha waqtiga dhow ee maamulka cusub.


Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com

Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -