Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Askari laaluush ka qaatay qof shacab ah oo Muqdisho lagu xiray

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku xiray askari katirsanaa ciidanka booliiska oo lagu helay dambi ah in uu qof shacab ah laaluush weediisay.

Askariga la xiray ayaa laga duubay muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada isaga oo qof shacab ah baad ka qaadaya, waxaana muuqaalkaasi uu sababay in durba lasoo xiro askariga.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in xarunta Dambi baarista CID-da lagu xiray askari lagu Magacaabo Cabdi Cabdulle Xasan oo lagu qabtay laaluush qaadasho.

“Askariga ayaa joojiyay gaari Nin Shacba ah uu watay waxa uu weeydiiyay sharicigii iyo Leesinkii,markii uu yiri mahayo waxa uu weeydiistay lacag sida aad ku aragteen baraha Bulshada,intaasi kadib ciidanka booliska ayaa ka warhelay kadibna soo xiray ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Xarunta Dambi baaristta CID-da iyo Xabsiga dhaxe ee Xamar waxaa ku xiran saraakiil iyo ciidamo kale oo kairsan booliiska Soomaaliya oo iyana lagu eedeeyay musuq maasuq iyo laaluush qaadasho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Khilaaf soo kala dhax galay Wasiirka Cadaaladda & Guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqa

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oo si adag uga hadlay dilka argagaxa lahaa ee ka dhacay Minneaplolis

Cabdi Cade

Xuutiyiinta oo weerar culus ku qaaday Telaabiib iyo kala carar ka jura

Cabdi Cade
Taboola Ads ---