Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Xafiiskiisa ku qaabilay Hassan Bin Hamza 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Amb. Ahmed Isse Awad ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Siihayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohammed oo booqasho maamuuseed ugu yimid, waxa ayna labada dhinac ka wada hadleen xoojinta iyo ballaarinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga labada dal u dhexeeya. Waxaa kale oo ay gudagaleen ka sheekeysiga arrimaha ka taaggan gobolka iyo dunida inteeda kale.

Labada dhinac ayaa sidoo kale waxa ay xaqiijiyeen dadaalkooda ay ku bixinayaan horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, dhaqaallaha iyo maalgashiga, iyadoo loogu saldhigayo isgarabsiga walaalnimo, laguna adkeynayo xiriirka xidideystay ee labada shacab ee walaalaha ah u dhexeeya.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi, Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Amb. Ali Mohamed Ali, Agaasimaha guud ee habmaamuuska Adv. Hersi Haji Olosow iyo Agaasimaha Waaxda Carabta Mudane Mustafa Adam Dagaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharax ku baaqay in la hubiyo Nuuca ay yihiin Diyaarado Drone ah oo Muqdisho lagu qabtay

Cabdi Cade

Daawo: Maalinta la qabanayo dibed-baxa Midowga Musharaxiinta oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada Somalia oo ka hadlay doorashadii ka dhacday Jubbaland (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---