Tirada dadkii ku dhintay Weerarkii Nairobi oo sii korortay iyo dad loo xiray weerarkaasi

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho ee ka dhashay weerarkii talaadadii lasoo dhaafay dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ku qaadeen hotelka Dusit ee kuyaala xaafada Westland ee magaalada Nairobi.

Booliiska Kenya war kasoo baxay ayaa lagu sheegay in tirada dadka ku dhintay weerarka ay hada gaartay 21-qof, waxaana wali laga cabsi qabaa in ay sii kordhaan khasaaraha dhimasho ee weerarkan ka dhashay.

Ha’yadda laanqeyrta cas ee dalka Kenya ayaa dhankeeda sheegtay in ay jiraan dad badan oo wali nolol iyo geeri aan la ogeyn halka ay ku dambeeyaan, waxaana socda baadi goobka dadkaasi maqan.

Dhinaca kale ciidamada la dagaalanka argagaxisa ee dalka Kenya ayaa howlgalo ay ka sameeyeen magaalada Nairobi waxa ay kusoo qabteen tiro dad ah oo lagu tuhmayo in ay wax ka ogaayeen weerarkii Dusit Hotel.

Saraakiil katirsan laamaha amaanka dowlada Kenya ayaa sheegay in la xiray 9-qof oo la tuhmayo, waxaana dadka la xiray ku jirta xaaska mid kamid ah ragii fuliyay weerarkii ka dhacay magaalada Nairobi.

Dowlada Kenya ayaa wada baaritaano adag ay gacan ka siinayaan sirdoonada reer Galbeedka, waxaana la baarayaa sida uu weerarka u dhacay iyo dadkii soo abaabulay weerarkaasi oo qaarkood la uhmayo in ay joogaan gudaha Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -