Wasiir Cawad oo booqday Xarunta Qaramada Midoobay ee Xalane (Daawo Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,  Danjire Axmed Ciise Cawad, waxa uu booqday Xarunta weyn ee Qaramada Midoobey ay ku leedahay Gegidda diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Magaalada Muqdisho.

Ujeedada booqashada ayaa waxa ay ahayd in loo muujiyo garab istaag iyo la jirsi qoyska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya sababo ku aaddan weerar hoobiyo ah oo lagu qaaday Janaayo 1, 2019 xaruntooda, waxaana ku dhaawacmay labo shaqaale Qaramada Midoobey iyo hal qandaraasle iyo sidoo kale waxyeello agab.

Wasiir Cawad ayaa carabaabay in uu si dhammeystiran u garab taagan yahay qoyska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ka xubin ahaan Qaramada Midoobey ay taageereyso howsha loo igmaday UNSOM, UNSOS iyo hey’adaha kale ee Qaramada Midoobey.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu daaha ka qaaday in Xukuumadda Federaalka ay leedahay qorshe ammaan oo la xiriira badbaadada iyo nabad-qabka shaqaallaha Qaramada Midoobey iyo hantidooda.

Intii uu ku jiray booqashada uu ku tagay Xarunta Qaramada Midoobey ee Muqdisho, waxaa halkaas si diirran ugu soo dhoweeyay Mudane Raisedon Zenenga, Howlwadeenka Siihayaha ka ah Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM) ahna Kuxigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Marwo Lisa Filipetto, Madaxa Xafiiska Taageerrada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOS), Mudane Peter de Clercq , Kuxigeenka Eregeyga gaarka ah ee Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM) iyo mas’uuliyiin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -