Qaraxyo iyo rasaas saaka mar kale laga maqlayo Magaalada Nairobi

Qarax xoogan iyo rasaas ayaa saaka mar kale laga maqlay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo ciidammada ammaanka ay weli isku dayayaan inay soo gebagabeeyaan weerrar ay shalay caasimadda Nairobi ku soo qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo qabsaday dhismeyaal halkaas ku yaalla.

Afar nin oo hubeysan ayaa waxay beegsadeen dhismayaal ka kooban hotel iyo xafiisyo iyagoo la dhacay qaraxyo iyo rasaas, waxana raggaas ay xalay ku hoydeen dhismayaasha ay galeen oo weli ay ka dagaalamayaan.

Dowladda Kenya ayaa xalay saqdii dhexe sheegtay in ciidamadeeda ammaanka ay dib ula wareegeen gacan ku haynta goobtaasi, balse warkaas ayaa beenoobay markii saaka la maqlay qaraxyo cusub iyo rasaas weli halkaas ka dhaceysa.

In ka badan 170 qof oo ku jiray dhismayaasha la weeraray ayaa la soo badbaadiyay xalay saqdii dhexe waxaana la geeyay goob amaan ah waxaananse weli kala caddeyn tirada dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba oo warar kala duwan ay ka soo baxayaan.

Dad kale oo aan tiradooda la ogeyn ayaa welin ku xiran gudaha dhismayaasha ay ku jiraan dableyda ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo xaaladooda aan la ogeyn nolol iyo geeri, waxaana aad u welwelsan eheladooda.

Wasaarada arrimaha dibeda ee Maraykanka ayaa xaqiijisayin muwaadin Maraykan ah uu ku dhintay weerarkan, waxaana la soo sheegayaa iney jiraan dad isugu jira Kenyan iyo ajaaniib oo dhimasho iyo dhaawac ay soo gaareen.

Wixii ka soo kordha xaalada Nairobi kala soco wararkeena ugu horeeya insha ALLAAH

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -