Musharax shaaciyey inuu jidadka Muqdisho ka qaatay boorarkiisii ololaha doorashada

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah Musharraxiinta doorashada madaxtinimada Soomaaliya ayaa boorarkiisa ololaha doorashada ee ku dhegenaa waddooyinka magaalada Muqdisho ka fujiyay halkaas kadib go’aanka muddo kordhinta loogu sameeyay hay’adaha dowladda.

Wuxuu sheegay in aysan jirin sabab uu u sii wato ololahiisa doorashada isla markaana hadda aysan jirin meel laga tartamo.

“Boorarkii musharraxnimada ee iigu dhegenaa magaalada waan iska fujiyay, 13 boorar ayay ahaayeen,sababtana waxay tahay in madaxweynihii xilkiisa dhamaaday diiday in doorasho la qabto” ayuu yiri.

Waxaa uu intaas ku daray in  howsha kaliya ee haatan u taalal isaga iyo musharaxiinta kale ay tahay sidii ay uga hortegi lahaayeen muddo kororsiga uu sameystay madaxweynaha xiligiisu dhamaaday.

Xaalada Somalia ayaa hadda meel adag, waxaana sii kordhaya cadaadiska beesha caalamka iyo qeybaha bulshada ku hayaan madaxda talada heysa ee waqtigoodu dhamaaday oo haatan u xusul duubaya dhaqangelinta muddo koriorsiga

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

 

- Advertisement -