Golaha Ammaanka ee QM oo kulan ka yeelanaya Muddo kororsiga & xaalada Somalia

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa goordhow shir albaabada u xiran oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ku yeelanaya xaruntooda magaalada New York.

Kulanka golaha amaanka ayaa la filayaa in diirada lagu saaro xaalada cakiran ee ka taagan siyaasada Somalia, muddo kororsiga madaxda DF iyo arrimaha doorashada Somalia.

Waxaa warbixin looga dhageysanayaa kulankan Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan oo maalmo ka hor gaaray New York.

Golaha Ammaanka ayaa la filayaa soo saaro go’aan ku aadan muddo kordhinta labada sano oo horay dalal dhowr ah oo Mareykanka, UK iyo wadamada Midowga Yurub uga horyimaadeen.

Xubnaha golaha amaanka ayaa shirkoodii ka kan horeeyey waxay ka soo saareen War murtiyeed ugu baaqayay madaxda DF iyo dowlad goboleedyada iney fuliyaan heshiiskii doorashada 17 Sebtembar ee ku saabsanaa doorashada, iyagoo ka digay muddo kororsi iyo iyo doorasho aan loo dhameyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -