Maxaa kasoo kordhay Weerarka Al Shabaab ku qaadeen Hotel kuyaala Nairobi ?

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan kooxda Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in wali ka dhax dagaalamayaan dhismaha hotelka Dusit oo kuyaala Degmada Westland ee magaalada Nairobi.

Rasaas ayaa wali laga maqlayaa dhismaha hotelka iyo goobo ku dhaw dhaw, waxaana lagu soo waramayaa in afar dagaalyahan oo hubeesan ay ku sugan yihiin qeybo kamid ah Dhismaha Hotelka la weeraray ee Dusit.

Ciidamada Kenya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa isku dayaya in ay soo afjaraan weerarka ka socda hotelka kuyaala Nairobi, waxa ayna ciidamada adeegsanayaan rasaas culus ay ku ridayaan dableyda hubeesan.

Warbaahinta ayaa soo bandhigaya dad ay ciidamada amaanka kasoo bad baadiyeen qeybo kamid ah dhismaha la weeararay, waxaana wali Hotelka gudihiisa lasoo sheegayaa in ay go’doon ku yihiin dad aan tiradooda la ogeyn .

Inta la xaqiijiyay shan qof ayaa ku dhintay qaraxyada iyo weerarka tooska ah ee lagu qaaday Hotelka Dusit ee magaalada Nairobi, waxaa sidoo kale qaar kamid ah Isbitaalada magaaladaasi la geeyay dad badan oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Xaalad kacsanaan ah ayaa caawa ka jirta qeybo kamid ah magaalada Nairobi, waxaana inta badan magaalada gaar ahaan goobaha ay kuyaala Hoteelada iyo xarumaha dowlada lasoo dhoobay ciidamo aad u hubeesan kuwaa oo ku jira heegan aad u sareeya.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha weerarkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -