Turkiga oo jawaab kulul ka bixiyey hanjabaada Madaxweyne Trump

Dowlada Turkiga ayaa si caro leh uga jawaabtay hanjabaadda Madaxweyne Trump ee ah inuu burburin doono dhaqaalaha Turkiga haddii Turkiga weeraro xooggaga Kurdiyiinta ee ka dagaallama Suuriya.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in hadalka Trump uu muujineyo cadaadiska saaran ee ka soo wajahay dalkiisa.

Wuxuu sheegay in aysan habooneyn in xiriirka saaxibtinmo ee ka dhexeeyo Turkiga iyo Mareykanka aanan looga hadlin baraha bulshada.

Ibraahim Kalin oo ah afhayeenka madaxweynaha Turkiga Regep Tayyip Erdogan ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay inay filayaan in Mareykanka uu qaddariyo saaxibtinimada kala dhexeeyso ee dhanka iskaashiga gobolka.

Qoraallo uu barta Twitter-ka ku soo qoray madaxweyne Trump wuxuu sheegay in booqashada xoghayaha arrimaha dibadda uu ku marayo gobolka bariga dhexe ay aag nabdoon u abuureyso xoogaga Kurdiyiinta si aanan weerar loogu qaadin.

Mareykanka ayaa qorsheynaya inuu ciidamadiisa ka joogo Suuriya uuhalkaasi kala soo baxo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -