Shariif Xasan iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray degmada Baraawe (Daawo Sawirro)

Wafdi uu hoggaaminayo  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somalia Mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan ayna ka mid ah qaar ka mid ah golaha wasiiradda Maamulkaas ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Sh/hoose.

Shariif Xasan iyo wefdigiisa waxaa Baraawe ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ay ka mid yihiin gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Cali Aadan Najax iyo Maamulka degmada iyo Shacabka intabada.

Waxaa si diiran ugu soo dhoweeyey Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Shariif Xasan  ayaa kulamo la qaadan doono odayaasha Dhaqanka Maamulka degmada Saraakiisha Ciidanka XGD Kuwa AMISOM iyo qeybaha Bulshada.

Wafdiga Shariif Xasan oo caawa ku hoyanaya Baraawe ayaa halkaas kulamo kula leh madaxda heer gobol iyo heer degmo.

Maamulka Koonfur galbeed ayaan weli si rasmi ah ugu soo guurin Degmada Baraawe oo ah caasimada rasmiga ah ee maamulkaas, waxaana haatan masuuliyiinta Koonfur galbeed ay si Kmg ah ugu shaqeeyaan Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Sababaha kalifay in Maamulka Koonfur galbeed uu ka caga jiido u soo guuritaanka Baraawe ayaa waxaa lagu macnaayeeyey arrimo ay ka mid yihiin magaalada oo aan laheyn garaoon dayuuradeed, inkastoo uu socdo dhismaha garoon cusub iyo arrimo kale.

Booqashada Shariif Xasan ku tegay baraawe ayaa ku soo aaday xili maalmo ka hor dekeda macmalka ah ee degmadaas uu ku soo xirtay markab weyn oo saanado milateri u siday ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -