Qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka G/Banaadir oo xaalka ku xun yahay Olole xoogana bilaabay

Qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka walaacsan isbadal la filayo in lagu sameeyo Gudoomiyaasha degmooyinka, waxaana la saadaalinayaa in qaar badan oo kamid ah Gudoomiyaasha hada shaqeeya shaqada laga eryi doono.

Gudoomiyaasha hada xaalka ku xun yahay ayaa ah kuwa intooda badan qurbaha ka yimid si aad ahna ugu dhawaa Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed, waxa ay sidoo kale qeyb ka ahaayeen foodadii dhawaan ka dhacday xarunta gobolka.

Sida aan Wararka ku heleyno Gudoomiyaasha xaalka ku xun yahay qaarkood ayaa hada bilaabay olole ay ku doonayaan in ay kusii joogaan Degmooyinka, waxa ayna raasid u galeen Gudoomiyaha gobolka iyo Xildhibaanada beelahooda.

Hotelo kuyaala Muqdisho ayaa lagu arkayay Gudoomiyaashan oo Hotelada ugu tagaya Xildhibaanada beeshooda iyo Xildhibaano kale oo saaxiib dhaw la ah Gudoomiyaha gobolka si arintooda loogala hadlo una sii joogaan Degmooyinkooda.

Inta badan Gudoomiyaasha Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa rajo beel lasoo daristay kadib markii si hoose loogu sheegay in isbdal la sameeyo aysan hureyn, waxa sidoo kale Gudoomiyaashan qaarkood albaabada ka xirtay xildhibaanada ku heybnta ah.

Shacabka Muqdisho ayaa ugu baaqay Gudoomiyaha gobolka Banaadir in uu isbadal deg deg ah ku sameeyo Gudoomiyaasha Degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaa oo ku fashilmay shaqooyinkii loo igmaday.

Gudoomiyaasha Degmooyinka gobolka Banaadir haya ayaa la tilmaamaa in ay yihiin kuwii ugu liitay ee soo mara gobolka Banaadir dhoorkii sano ee lasoo dhaafay, waxaana aad u yar Gudoomiye wax qabtay ama kasbaday Dadka uu Gudoomiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -