Siyaasi caan ah oo talooyin yaab leh u jeediyey Muslimiinta ku nool Faransiiska

Musharraxa Madaxweynaha midig-fog ee Faransiiska Eric Zemmour ayaa kula taliyey Muslimiinta ku nool Faransiiska inay ku milmaan bulshada dalkaas haddii ay doonayaan nabad ugu noolaadaan.

Faransiiska Eric Zemmour ayaa xusay inuusan kala saari doonin Islaamnimada iyo Islaamka balse uu taas beddelkeed kala saari doono Islaamka iyo shakhsiyaadka Muslimiinta ah.

Waxaa uu ku dooday in Muslimiinta Faransiiska looga baahan yahay inay ku milmaan bulshada ayna faraha ka qaadaan ku dhaqanka diinta isagoo sheegay inay taasi meesha ka saari doonto ku dhaqanka diin leh mabaadii sharciyeed..

Zemmour wuxuu wacad ku maray inuu noqon doono Madaxweynaha dhammaan dadka Faransiiska oo ay ku jiraan Muslimiinta Faransiiska ah, haddii uu ku guuleysto doorashada 2020 dhacaysa.

Zemmour ayaa lagu eedeeyaa inuu jeediyo hadallo aad loogu kala qeybsamay oo ka dhan ah Muslimiinta, Islaamka, muhaajiriinta iyo dadka madow.

 

- Advertisement -