Haweeney Sabab Layaab leh u dalbatay Furiin Labo maalin kadib arooskeeda !!

Haweeneydaasi oo u dhalatay dalka Sacuudiga waxay dacwad cabasho Mar-la-arag ah ka keentay Saygeeda oo ay 2 maalin ka soo wareegtay, markii ay Aqal galeen.
 
Haweeneyda oo wax laga weydiiyey sababta ay furiinka ugu dhegan tahay waxay sheegtay inaysan rabin Saygeeda, maadaama uu ahaa Nin Bidaar leh .
 
La-Taliye dhanka Qaanuunka oo lagu magacaabo Axmed Cajab oo wax laga weydiiyey Codsiga Haweeeneydaasi waxa uu ku tilmaamay inuusan ahayn Furiin qill loo hayo maadaama ay Bidaartu tahay wax sahlan, lana berri karo Timaha Madaxa.
 
Waxa uu intaasi ku daray inay Haweenka inta badan ka welwelaan in Saygooda bidaarta leh u dhalatay karaan ubad iyagana bidaar dhaxli karaan, sababo la xiriira Hiddo-sidaha dhaxalka ah.
 
Aqoonyahan Axmed Cajab oo la hadlay Wargeyska SABAQ “سبق” ee ka soo baxa Sacuudiga waxaa uu xusay inay Haweenka furiin ka dalban karaan Maxkamadaha, marka uu Saygooda lagu arko xaallado gaar ah, sida inuu Waalan yahay, ama uu qabo Cudduraada Baraska, Juudaanka iyo haddii uu bixin waayo Masruufka, Marashada, Xaajo gudashada Firaashka ku firfircoonayn ama uusan gudan karin.
 
Si kastaba ha ahaatee, Haweeneyda Sacuudiyaanka ee codsatay Furiinka 2 maalin kadib arooskeeda ayaa kala yaaban yahay doodeeda la xiriirta inuu Saygeeda bidaar leeyahay.
 
Sayga lagu soo dacweeyey inuu Bidaar leeyahay ayaan weli hadlin, mana kala cadda inuu si dhaqso ah Timaha u soo beeran doono iyo in kale.
 
Timo beerashada Madaxa ayaa la sheegay inay ku kacayso Kharaj dhan Kumanaan Dollar, iyadoo inta badan Timo beerashada loogu safro dalka Turkiga, oo ay ku yaallaan Xarumo Takhasusi ku ah Timo Beerista Madaxa.
W/T Ustaad Nuuradiin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -