Allbanaadir.com
NEWS

DF oo sheegtay in uu furmay Shirkii Teendhada fariina u dirtay Deni iyo Axmed Madoobe

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xil-gaarsiinta Cusmaan Abuukar dubbe oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maanta wajiga koobaad ee shirka looga hadlayo arimaha doorashada uu ka furmay Teenadhada Afisiyooni.

Waxa uu sheegay Wasiirka in wajiga koobaad ee shirka oo ahaa mid horu dhac ah oo la isugu soo dhawaanayay uu maanta furmay balse ay ka maqnaayeen madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa ugu baaqy maamulada Puntland iyo Jubbaland in ay kasoo qeyb galaan beri wajiga labaad ee shirka looga hadlayo arimaha doorashada iyo hirgalinta heshiisyadii hore.

Shirka horu dhaca ah ee maanta ka furmay Teendhada Afisiyooni waxaa isugu yimid Madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulada horey dowlada u taabacsanaa, iyadoona shirka diideen in ay ka qeyb galaan Madaxda Puntland iyo Jubbaland..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan Sheekh oo ka hadlay waxa iska bedelay Mowqifkooda kadib kulankii xalay

Cabdi Cade

Maxaabiis Al Shabaab katirsan oo dil ku xukunnaa oo Xabsi ka baxsaday

Cabdi Cade

Heshiiska Shidaalka ee DF & Turkiga oo Af-Soomaali ku qoran

Caydiid Ali
Taboola Ads ---