Sheekh Aadan Madoobe oo Arrimo Muhiim ah kala hadlay Safiirka Imaaraadka (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Imaaraadka carabta Amb. Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi.

Danjiraha ayaa Guddoomiyaha la wadaagay in Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada gargaarka dadka ay saameysay abaaraha dalka ka jira, islamarkaana Golaha Shacabka BJFS ay kala shaqeyn doonaan horumarinta hawlwadeenada.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyey Shacabka iyo Dowladda Imaaraadka carabta sida ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed isagoo sheegay in la xoojin doono xirirka labada Baarlamaan ee Imaaraadka iyo Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa kulamo kala duwan la qaatay qaar kamid ah wakiiladda beesha caalamka u jooga Soomaaliya, kuwaa uu badankood kala hadlay arrimo quseeeya xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada baarlamaanka federaalka iyo sidoo kale arrimaha abaaraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -