António Guterres oo Ergay cusub usoo magacaabaya Somalia kadib ceyrintii Nicholas Haysom

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ogolaaday go’aankii kasoo baxay dowlada Federaalka Soomaaliya ee dalka looga ceyriyay Ergaygii Soomaaliya u qaabilsanaa Qaramada Midoobay Nicholas Haysom.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Farhan Haq ayaa sheegay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ergay cusub usoo magacabi doono Soomaaliya, kadib markii lagu guul dareestay in la xaliyo ceyrintii Haysom.

“Xoghayaha guud wuxuu si qoto dheer uga qoomameeyay go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xoghayaha Guud wuxuu kalsooni buuxda ku qabaa Mr. Haysom oo shaqado badan soo qabtay” Ayaa lagu yiri Qoraalka uu soo saaray Farhan Xaq.

Qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in shaqaalaha UNka aan loo adeegsan karin “Persona non grata” sida uu qabo heshiiska Viienna 1961-dii, waxaa la sheegay in qaramad midoobey aan dal aheyn.

Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay ayuu sheegay Afhayeenka in uu soo magacaabayo Ergay cusub si uu shaqada halkeeda uga sii wado, waxa uuna xusay in Qaramada Midoobay ka go’an tahay xaqiijinta horumarinta shaqada Qaramada Midoobay.

Go’aanka uu qaatay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadaya kadib markii dowlada federaalka ku adkeesatay in uusan marnaba dalka kasii shaqeyn karin Ergaygii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soonaaliya Nickolas Haysom.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -