Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay dhismaha dekeda Magaalo xeebeedka Hobyo (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdigii uu hoggaminayo ayaa gaaray Magaalo Xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Wefdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah  Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo xubno ka socda labada Golle ee Dowlada federaalka Soomaaliya.

Shacab ka kala yimid Xaafadaha Magaalada Hobyo iyo tuulooyinka hoostaga oo ay wehlinayaan Xildhibaano federaalka ka tirsan oo horay Hobyo ugu sugnaa ayaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyay halkaas.

Madaxweynaha ayaa dhagax dhigay dhismaha Dekada cusub ee Magaalada Hobyo oo la fialyo in dhawaan ay dib u shaqa bilowdo.

Madaxweyne Farmaajo oo hadal kooban siiyay ka jeediyay Munaasabada ayaa sheegay in dekada Magaalada Hobyo si degdeg ah loo dhisi doono, isagoo ka mahad celiyey sida diiran ee isaga iyo wafdigiisa loogu soo dhoweeyey halkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Salaado Cabdulle Xalane oo Muqdisho ku geeriyootay iyo Tacsi loo dirayo Eheladeeda

Cabdi Cade

Iska Hor imaad khasaaro nafeed geestay oo ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe oo Gudoomiyay shirka Amniga Hirshabelle (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---