Nin saacaddo gudahood ku noqday Bilyoneer ka mid ah taajiriinta waaweyn ee dunida

Aasaasaha Shirkadda tagaasida ee Uber oo la yiraahdo Travis Kalanick ayaa si rasmi ah u noqday bilyoneer saacado gudahood, kadib markii shirkadaha waaweyn ee dalka Japan ay saami badan ka iibsadeen shirkadiisa aadka u kobcaysa.

Shirkadahan Reer Japan ayaa Uber gelinaya $8 bilyan oo dollar, taasoo balaarineysa ganacsiga shirkadan

Ninkan oo xilka agaasimenimada Uber isaga dagay bishii June ayaa iska iibinaya saamiyo qiimahooda uu ku kacayo $1.4 bilyan oo doolar.

Inkasta oo muddo dheer uu ahaa nin hantiile ah, haddane heshiiska cusub ayaa waxa uu xaqiiqo ka dhigayaa inuu yahay nin Bilyoneer ah oo la hubo inuu lacag aan caadi aheyn heysto.

Wali madax ayuu kasii yahay shirkadda Uber oo la timid fikrad caafimaad qabta oo ah in qofka uu tagsi ka dalbado taleefoonkiisa.

Waxa uu qofka arki karaa masaafada uu tagsiga u soo jiro, daqiiqadaha uu ku imanayo, halka uu geynayo, magaca iyo sawirka wadaha, iyo waliba taargada gaariga, macluumaadkaas oo dadka ka caawinaya xagga badbaadada.

Qorshaha waxa uu yahay in Uber ay ku faafto magaalo kasta oo adduunka ka mid ah, islamarkaasna xoojiso asaaskeeda.

Iskaashatada shirkadaha Japan ee maalgashiga sameeyay ayaa qaadanaya boqolkiiba 29% saamiga shirkadda Uber.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -