Allbanaadir.com
NEWS

ATMIS oo shaacisay dhimasho ka dhalatay Madaafiicdii Xalane

Howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa xalay soo saaray War-saxaafadeed uu ku cambaareeyay Madaafiicda shalay Subax lagu weeraray xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

ATMIS oo aan sheegin khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca weerarka Madaafiicda ah ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoysaska, asxaabta, iyo qaraabada dadkii ku dhintay.

Al-Shabaab  ayaa sheegatay inay weerarkii Madaafiicda ee shalay subax ay ku qaadeen Xalane ay ku dileen Saddex Ajnabi Caddaan ah oo ka tirsan shaqaalaha UN-ka, halka 3 ka mida ciidamada Uganda ay dhaawaceen inkastoo aysan jirin cid xaqiijisay

Hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka ayaa ka gaabsaday weerarkan oo ah mid soo noqnoqday oo had iyo jeer lala beegdaso xeyndaabka Xalane oo hoy u ah safaarado, taliska ATMIS iyo heydaha QM.

Related posts

Al Shabaab oo Weerar xoogan ku bur burisay xarun Isgaarsiineed

Cabdi Cade

Jeneraal loo xilsaaray soo afjarida kooxda hubeysan ee Ahlusuna oo Dhuusamareeb gaaray

Caydiid Ali

Galka hoggaaminta iyo shaqada ciidanka oo loo kala wareegiyay Sulub iyo Diyaano

Cabdi Cade
Taboola Ads ---