Allbanaadir.com
NEWS

Donald Trump oo ka hadlay in uu Cunsuri yahay iyo in kale

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa la kulmay dhaleeceyn weyn kadib markii uu dhawaan ka dhawaajiyay hadal dad badan dhibsadeen ayna adkaatay in fasiraad dhab ah laga bixiyo

Donald Trump ayaa cambaareyn kala kulmay kalmad adag oo afkiisa kasoo baxday, waxaana dad badan ku sifeeyeen in Madaxweynaha dalka Mareykanka uu yahay Cunsuri weyn.

Madaxweynaha dalka Mareykanka oo koox wariyaal ah weydiiyeen waxa ay dadk ku sifeeyeen ee ah in uu cunsuri yahay ayuu iska diiday in uu yahay nin cunsuri ah oo dadka kala sooca.

”Maya, maya, anigu maahi nin cunsuri ah , Waxaan ahay qofka ugu cunsuriyadda yar ee aad waraysi ka qaadaan weligiin, ayuu yiri Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump.

Trump ayaa isbuucii hore ka dhawaajiyay hadal aan munaasab ahayn uu ugu gafayay dadka Madow gaar ahaan kuwa Afrika xili uu ka qeyb galay shir looga hadlayay isbadal loogu samaynayay shuruucda dadka soo galootiga ah oo xafiiskiisa ka dhacayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Yurub oo Somalia ka fulinaya Mashruucii ugu weynaa muddo 30 sano ah

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey dagaalo culus oo ka dhacay degaan hoos taga degmada Guriceel

Caydiid Ali

Kolonyo ay wateen ciidamada AMISOM oo Muqdisho lagu Weeraray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---