Banaan bax rabshado watay oo ka dhacay qeyb kamid ah Muqdisho (Daawo Sawirada)

Banaan bax rabshado watay ayaa maanta ka dhacay Isgooska Fagax ee Degmada Yaqshiid, waxaana banaan baxaasi looga soo horjeeday dil askari katirsan ciidanka dowlada u geestay wiil dhalinyaro ah oo wade ka ahaa Mooto Bajaaj.

Dadka banaan baxa dhigayay ayaa ka careesnaa dilka loo geestay Axmed Jiley oo kamid ahaa dhalinyarada xaafadaasi , waxaana shacabka banaan baxa dhigayay ku baaqayeen in lasoo qabto askarigii dilka ka dambeeyay.

Banaan baxayaasha ayaa xiray Isgooska Fagax iyo Wadooyinka kale, waxa ayna laamiga ku gubayeen taayaro , ciidano booliis ah oo ku sugnaa halka uu banaan baxa ka socday ayaa goobtaasi isaga tagay kadib markii ay banaan baxayaasha xakameyn waayeen.

Ciidamada dowlada ayaa mararka qaar dilal bareer ah Muqdisho waxa ay ugu geesaan dadka shacabka ah gaar ahaan dhalinyarada inta badan ku xoogsata mooto bajaajta, walina ma jiro war ku aadan banaan baxan oo kasoo baxay Laamaha amaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -