Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Labo nin oo mid kamid ah waday Baabuurtii ku Qaraxy Muqdisho oo nolosha lagu qabtay

Qoraal goordhaw kasoo baxay Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa lagu sheegay in ciidamada amaanka qabteen Ninkii hogaaminayay qaraxyadii maanta ruxay Muqdisho iyo ninkii waday gaarigii labaad ee saakay ku qarxay magaalada Muqdisho.

Hay’ada Nabad sugida ayaa sheegtay in ciidamada amaanka qabteen Hogaamiyihii Weerarka qaraxyada iyo ninkii waday gaarigi labaad ee saakay ku qarxay agagaarka Taalada Daljirka Dahsoon .o.

”Ficilladooda arxandarrada ah nama wiiqo doono, dibna nooma celin doono inta Ciidanka iyo Shacabka iskaashanayaan” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka.

Qoraalka kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in qaraxyada saakay ruxay ujeedkoodu ahaa in lagu bartilmaameedsado Xarunta Tayaatarka Qaranka oo kasocoto dib u dhis lagu sameenayo ayna ka qeyb qaadanayaan shaqaalaha dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kiimiko lagu weeraray Magaalada Douma & dad ku dhow boqol qof oo ku le’day (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax dad badan ku dhinteen oo saakay ka dhacay Duleedka Muqdisho

Cabdi Cade

Farmaajo oo amar cusub siiyey Xukuumadda & QM oo warbixin culus shaacisay

admin
Taboola Ads ---