Faah Faahino kasoo baxaya dil galabta loo geestay Abuukar Qaasim Toshiba 

Kooxo biskoolado ku hubeesnaa ayaa galabta Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku dileen macalin wax ka dhiga Iskuul kuyaala degmadaasi sidoo kale xarun ganacsi ku lahaa.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in labo nin oo biskoolado ku hubeesnaa ay ku dhax dileen gudaha dukaan ku sugnaa Abuukar Qaasim Tushiba oo ahaa nin si weyn looga yaqaanay Degmada Afgooye.

Ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad sugida ayaa soo gaaray halka uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada ku guul dareesteen in ay gacanta kusoo dhigaan ragii hubeesnaa ee dilkaasi geestay.

Shacabka degmada Afgooye gaar ahaan dadkii sida weyn u yaqaanay macalinka la dilay ayaa aad uga naxay falkaasi dilka ah, waxaana Degmada Afgooye caawa si weyn looga hadal hayaa dilkaasi argagaxa lahaa .

Degmada Afgooye ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilal qorsheesan oo loo geesto dad shacab ah iyo askar katirsan ciidanka dowlada, waxaa sidoo kale degmadaasi ku badan weerarada xiliyada habeenkii ah ku qaadaan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -