Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maraykanka & Taliban oo Wadahadal toos ah isku soo hor fariistay

Kooxda Taliban ayaa sheegtay in wadahadallada u socda ee ay la leedahay Mareykanka diiradda lagu saarayo oo kaliya sidii ciidamada ajnabiga looga saari lahaa dalka Afghanistan, isla markaana wararka arrintaas ku duwan ay yihiin dacaayad.

Wada-hadallada oo saddex maalmood socda, isla markaana ay marti-gelisay dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la soo gebagebeyn doonaa maanta.

Pakistan ayaa sheegtay inay agaasintay wada-hadalladan lala leeyahay kooxda Taliban, si ay Mareykanka uga caawiso qorshe uu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka 17-ka sano socda ee Afghanistan.

Zalmay Khalilzad, oo ergeyga gaarka ah ee dib u heshiisiinta Afghanistan, ayaa hoggaaminaya wada-hadalladan, oo ay ka qeyb galayaan saraakiil ka socota Saudi Arabia, Imaaraadka Carabta iyo Pakistan.

“Wada-hadallo dhab ah ayaa ka socda Imaaraadka Carabta waxayna u dhaxeeyaan wakiiladda Imaaradda Islaamiga ah (Taliban) iyo Mareykanka, si loo soo geba-gebeeyo haysashada Afghanistan” waxaa sidaas yiri afhayeen u hadlay Taliban, Zabihullah Mujahid.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Rabshadaha u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromada oo ku fiday dalka Jabuuti

Cabdi Cade

Magacaabis uu sameeyay Wasiirka Warfaafinta oo laga hor yimid iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Ajaaniib dooneysay in Al Shabaab ku biiraan oo xukun adag lagu riday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---