Wararkii u dambeeyey Guriceel, Khasaaraha dagaalkii maanta iyo halka caawa lakala joogo

Dagaal maalintii 3aad galay oo u dhaxeeyay Ciidamadda dowladda iyo Ahlusunna ku dhexmaray Guriceel ayaa maqribnimadii caawa qaboobay sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Dagaalka ayaa xoogiisa waxaa uu galabta ka dhacay inta u dhaxeysa Dabaqa Erkolle, Shiikh Salaad Xeydar, Xero Birmad, ilaa Jaamacadda.

Dhinacyadda dagaalamay ayaa mid walba waxaa uu sheegtay inuu horumar ka sameeyey dagaalkii Galabta ayna qabsadeen meelo aysan markii hore joogin.

Warar ka madax banaan labada dhinac ayaa sheegaya in dhinacyadda dagaalamay ay caawa isku horfadhiyaan agagaarka Isbitaalka Cubeyd iyo Dabaqa Erkolle waana dhulka u dhaxeeya laamiga iyo Jaamacaadda oo ah Saldhigga ugu weyn ee Ciidanka Ahlusunna.

Ciidamadda Dowladda ayaysan u suurtagalin maalintii 3aad inay galaan dhismaha Jaamacadda ee saldhigga u ah Ahlusunna kadib iska caabin adag oo ay kala kulmeen dhanka Ahlusunna.

Ciidamadda Dowladda waxay joogaan oo lagu arkayaa Saldhigga Booliska, Guriga degmadda, Beder 2, Beder 1 ilaa Shimbara oonshe iyo qeybaha kale ee degmada Guriceel.

Qiyaastii 55 qof ayaa ku dhintay dagaalkii maanta, kuwaasoo u badan dhinacyadii dagaalamay halka ku dhowaad boqol kale ay ku dhaawacmeen, waxaana adag dhaawacyada qaarkood iney helaan gurmad caafimaad.

Warar kale ayaa sheegaya in dhaawacyada Saraakiil ka tirsan ahlu-suna oo kala ah Cali Faarax iyo  Cali-xade caawa maqribkii laga soo dejiyey Muqdisho ka dib markii dayuurad looga soo qaaday magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiye Ku-xigeenkii dhinaca amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa la sheegay inuu kasoo qaaday gudaha garoonka diyaaradaha, uuna dhigay  Isbitaalka xoogga ee Muqdisho.

Dhinaca kale, Isbitaalka Fayo Care oo kamid ah Isbitaaladda ugu shaqada badan degmadda Guriceel ayaa howshiisu joojiyey kadib markii uu saameyn xooggan ku yeeshay dagaalka maalinta 3aad ka socda degmadda Guriceel.

Shaqaalaha Isbitaalka ayaa sheegay iney awoodi waayeen iney sii wadaan  howsha Caafimaad ee ay Bulshadda u hayeen kadib markii isbitaalka hortiisa dhanka laamiga ay noqotay goob dagaal oo dhufeysyo laga sameystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -