Allbanaadir.com
NEWS

Lacag badan oo lagu bixinayo la kulanka iyo in aad Sawir la gasho David Cameroon

Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Britain David Cameroon ayaa ku sugan dalka Shiinaha uu kaga qeyb galayo Shirweyne caalami ah, waxa uuna halkaasi kula kulmay Madax iyo Ganacsato kala duwan.

Sheekada layaabka leh ee Shiinaha laga soo tabiyay ayaa ah in ganacsadihii doonaya in uu sawir la galo ama la casheeyo Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Britain laga doonayo in uu bixiyo lacag dhan 16-kun oo Dollar.

Arintan ayaa ski weyn looga hadal hayaa dalka Shiinaha waxaana lagu faafiyay baraha bulshada iyo warbaahinta, waxaa sidoo kale sheekadan lagu xayeesiiyay bogga rasmiga ah ee shirweynaha ka socda Shiinaha.

Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Britain David Cameroon ayaa lgu wadaa in uu la kulmo madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping, waxa uuna Cameroon hormuud u yahay hindisaha maalgashiga Shiinaha iyo UK.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkada Somtel oo soo kordhisay adeeg cusub oo farxad galiyay shacabka Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Somalia & QM oo shir xasaasi ah ugu dhamaaday Muqdisho

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor oo safar deg deg ah uga baxay Muqdisho xili la filayo in shirka…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---