Allbanaadir.com
MUQDISHONEWSSOUTH WEST

Xildhibaanada Mooshinka wada oo dalab culus u diray dowladda Itoobiya (Akhriso)

Xildhibaanada Baarlamaanka ee la baxay Badbaado Qaran oo ah garabka Baarlamaanka Soomaaliya ee wada Mooshinka xil ka qaadista Madaxweynaha Soomaliya ayaa qoraal u diray dowladda Itoobiya, iyagoo ka dalbaday inay caddeyso doorkii ay ciidamadeeda baydhabo jooga ku lahaayeen xariga Mukhtaar Roobow iyo soo qabashadiisa.

Qoraalka oo si toos ah ugu socday safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, lana ogeysiiyay Wasaaradaha Arrimaha dibadda Itoobiya, Soomaaliya iyo safaaradaha US iyo UK ayaa Itoobiya looga dalbaday inay cadeyso  doorkii ay ku lahayd xariga Roobow oo dhaliyay rabshado keenay khasaare nafeed iyo burbur hantiyeed oo ka dhacay Baydhabo.

Qoraalkan ayaa yimid kadib markii AMISOM ay iska fogeysay inay lug ku lahayd xariga Mukhtaar Roobow, illaa haddana dowlada Itoobiya kama hadlin doorka ay ku laheyd dhacdadan

Dad Baydhabo jooga ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee qabtay Roobow ay xirnaayeen astaamaha lagu yaqaano ciidamada AMISOM ayna wateen gaadiid ay ku qoran tahay (AU) oo ah (African Union), waxayna arintan u muuqataa iney xitaa khilaaf ka dhex abuurtay ciidamada AMISOM taliyeyaashooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo loo diyaariyay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab & RW Khayre oo kormeeray (Sawirro)

Caydiid Ali

Muxuu Ra’iisul Wasaare Khayre ka yiri doorashadii saaka ka dhacday Dhuusamareeb?

Caydiid Ali

Xaashi Cumar oo 19-Sanno u xirnaa Talyaaniga oo maanta lagu dilay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---