Guddoomiye Mursal oo ay heysato xaalad ah Kud ka guur oo Qanjo u guur..?

Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Max’ed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa la sheegay inuu wali ku jiro xaalad go’doon oo la mid ah tii uu uga soo baxay hoygiisa Madaxtooyada.

Mursal ayaa sheegay in weli loo diidan yahay Xildhibaanada baarlamanka inay soo booqdaan hoyga cusub ee uu ka degay agagaarka garoonka dayuuradaha Muqdisho, taasina ay dhabar jab ku tahay shaqadiisa.

“Xildhibaanada waxaa weli loo diidan yahay inay ka soo gudbaan Kontroolada  laga soo galo wadada Airporka iyo goobta aan degenahay” ayuu yiri Guddoomiye Mursal

Waxaa uu sheegay in xukuumadda Soomaaliya laga rabo in ay ilaaliso Sharciga iyo kala dambeynta, ayna joojiso caburinta ay ku heyso.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa dhawaan ka guuray xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya, ka dib markii uu sheegay in xildhibaanada loo diiday inay u soo gudbaan.

Xukuumada Soomaaliya ayaa horey u beenisay iney go’doomisay hoyga uu Gudoomiye Mursal ka degan yahay Madaxtooyada, iyadoo sheegtay in dhaqdhaqaaqa madaxtooyada loo hakiyey wafdigii Madaxweynaha Eritreya ee dalka booqashada ku joogay labada cisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -