Madaxweyne caan ah oo ilaaway heesta astaanta uu ah Calanka Wadankiisa

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxaa lagu soo dhoweeyay sacab iyo iyadoo dadka qaarna ay ku qeyliyeen intii uu garoonka ku sugnaa ee la qaadayay heesta calanka.

Laakiin markii heesta la bilaabay, dadka isticmaala baraha bulshada waxay ku leexdeen dhaqankiisa ku wajahnaa astaanta.

Taageerayaasha Trump waxay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay arkaan madaxweynaha oo gacantiisa saaran tahay wadnihiisa, balse kuwa mucaaradka ku ah waxay sheegayaan in ereyada uu hilmaamay.

Muuqaalka wuxuu tusayaa Mr Trump oo aamusaya bilowga. Wuxuu u muuqday qof qaadaya ereyada qaar halka mararka qaarna uu aamusayo.

Sadarada qaar waxaa loo dhahaa si kor ah. Madaxweynaha wuxuu si muuqata u kala qaaday afka marka la gaaray “xidigaha dhalaalaya” wuxuuna farxad iyo dhoollacadeyn ku dhameeyay “dhulka xorta ah iyo hoyga geesiyaasha”. isagoo aab qaadin qeybaha ka dhiman heesta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -