Dowlada Somalia oo boqolaal askari geysay degmada Buur hakaba & ujeedada ka dambeysa

Dowlada federaalka Somalia ayaa ciidamo boqolaal gaaraya geysay degmada Buur hakaba ee gobolka Bay sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Gudoomiye ku-xigeenka Degmada Buur hakaba Cabdi buule Ibraahim oo sidoo kale ka mid ah saraakiisha hogaamineysa ciidamadaas fadhiisimaha ka sameystay degmada Buur hakaba, ayaa ka waramay ujeedada iyo halkaas loo geeyey.

Cabdi Buulle ibraahim ayaa sheegay in ciidamadaan oo ay tiradooda ay gaareyso 600 oo askari ay wadaan qorshe balaaran oo ay ku doonayaan inay isugu furaan wadooyinka xariiriya Muqdisho iyo Baydhabo oo Alshabaab ay kala xireen.

Gudoomiye ku xigeenka Buur hakaba ayaa sheegay inuu hadda bilowday howgalkaas ayna ku furayaan wadadaasi, wuxuuna sheegay ku guuleysteen inay isu furaan wadada xariirisa Magaalooyinka Buur hakaba iyo Baydhabo.

Jidka isku xira Muqdisho iyo Baydhabo ayaa deegaanada qaar ee wadadaas ay marto waxaa weeraro ka geysta dagaalyahanada Al-Shabaab kuwaasoo gaadiidka ganacsiga ka qaata lacago, kuwa dowlada iyo ciidamada AMISOM-na weerara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -