Xildhibaan Baydhabo lagu dilay iyo rabshadaha oo sii xoogeysanaya (Daawo Sawirro)

Iyadoo dibad-baxyo rabshado wata ay saaka maalintii labaad ka socdaan magaalada Baydhabo ayaa warar goor dhow magaaladaas naga soo gaaray waxay sheegayaan in la dilay xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Koonfur galbeed.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilka xildhibaankan oo magaciisa la oran jiray Cabdishakuur Buule kaasoo ka dhacay agagaarka Bankiga magaalada Baydhabo.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay xildhibaanka ay haleeshay rasaas ay fureen ciidamo halkaas ku sugnaa, iyadoo warar kalena ay sheegayaan iney ku dhacday  rasaas la isweydaarsaday.

Waxaa Baydhabo lagu daadiyey saaka ciidamo booliis ah oo la doonayey iney furaan jidadka laakin waxaa ka hor istaagay maleeshiyo beeleed taageersan Mukhtaar Roobow sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah.

Xaalada magaalada Baydhabo ayaa weli kacsan, waxaana la soo sheegaya iney jiraan dad kale oo saaka ku dhintay rabshadaha magaalada ka socda oo haatan u muuqda kuwo faraha ka sii baxaya.

Waxaa xiran dhamaan wadooyinka Magaalada iyo ganacsiga, shacabka ayaa ku xiran guryahooda, iyadoo jahwareer xoogan uu halkaas ka taagan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -