Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Shacab careysan oo maalintii labaad Rabshado ka dhigaya Baydhabo (Daawo Sawirro)

Rabshado looga soo horjeedo xariga dowlada federaalku u geysatay mukhtaar Roobow abuu Mansuur ayaa saaka maalintii labaad ka socda magaalada Baydhabo.

Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa musharaxiinta u taagan doorashada madaxweynaha Koonfur galbeed ee dhowaan la qabanayo ayaa waxaa shalay gacanta ku dhigay ciidamada Itoobiya iyagoo ka dibna u soo gacan geliyey dowlada.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in wali halkaasi ay ka socdaan rabshaddo looga soo horjeedo xarigii Musharax Mukhtaar Roobow Cali.

Dad careysan ayaa xiray socodka gaadiidka, dadka iyo ganacsiga magaalada, iyagoo taayeero gubanaya iyo dhagxaan ku jaray wadooyinka magaalada.

meelaha qaar ayaa waxaa laga maqlayaa rasaas xoog leh oo aan la ogeyn cida ka rideysa, waxaana faraha ka baxay amaank magaaladaas, iyadoo ciidamada amniga ay ku adkaatay iney rabshadaha xakameeyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo magac cusub u bixiyay Ciyaal Weerada dhibaatada ku haya Muqdisho

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare hore Rooble oo wax laga xumaado ku tilmaamay Ficilka dowladda Itoobiya

Cabdi Cade

Farmaajo oo lagu eedeeyay in Faragalin ku hayo magacaabista Guddiyada Doorashada gobolada Waqooyi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---