Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xubin ka tirsan Guddigii qabanqaabada Xil-Wareejinta Guddoomiyaha G/Banaadir oo la xiray

Booliska dowlada Somalia ayaa xabsiga dhigay xubin ka mid ah Guddigii qabanqaabada xil wareejinta Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha ciidamada Booliska G/Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) uu xabsiga dhigay xubinta ka mid ahayd Guddiga Guddiga qabanqaabada Xil-wareejinta Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir oo magaciisa lagu sheegay Nuur Cali, kadib markii uu diiday amar la siiyey oo ahaa inuu ka baxo xarunta maamulka G/banaadir oo  taliye Saadaq Joon uu sheegay inuu ka fulinayo howl amni.

Amarka Taliyaha Booliska G/Banaadir wuxuu yimid iyadoo uu shir uga socday xarunta G/Banaadir maamulka iyo Guddiga qabanqaabada xaflada xil wareejinta Guddoomiyaha cusub ee Gobolka, waxaana amarkiisa u hoggaansamay guddoomiye ku xigeenada Gobolka iyo xubnihii kale ee ku sugnaa xarunta.

Ninka uu xiray Taliye Saadaq Joon ayaa u muuqda in loo xiray amar diido, iyadoo xarunta Maamulka G/banaadir oo qarax is-miidaamin ka dhacay dhowaan amnigeeda la adkeynayo xilligan oo guddoomiyaha cusub uu dalbaday in wax laga bedelo xaalada amniga xaruntaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo careesan oo xirtay Wado muhiim ah ku dhaw Madaxtooyada Somalia (Sawirro)

Cabdi Cade

Maskaxdii ka dambeysay farsamada hubka Nuclearka Pakistan oo geeriyooday

Caydiid Ali

Meydka gabar Muddo la la’aa oo la helay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---