Xaflad lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha Eritreya oo caawa Muqdisho ka socota (Sawirro)

Madaxdweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa caawa magaalada Muqdisho casho sharaf ugu sameeyey wafdigii uu horkacayey Madaxweynaha Eritreya Isias Afawerk oo booqasho labo qaadaneysa ku jooga magaalada Muqdisho.

Waxaa ka qeyb galaya xafladan, Wasiiro, xildhibaano, saraakiil, qeybaha bulshada, fanaaniin iyo marti sharaf kale.

Munaasabadan oo sidoo kale lagu soo bandhigay riwaayado, heeso ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo suugaan kale ayaa ka socota hotelka Royal Palace.

Xaflada oo weli socota ayaa la filayaa iney khudbado ka jeediyaan Madaxweynaha Somalia iyo dhigiisa dalka Eritreya, kuwaasoo ka hadlo doono sida filayo xoojinta xiriirka labada dal iyo iyo iskaashiga dalalka geeska Afrika.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa caawa aad loo xoojiyey gaar ahaan wadooyinka gala goobta ay ka socoto xafladan oo ay xireen ciidamada amaanka dowlada iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Sawirada iyo warbixinta munaasibadan oo dhameystiran kala soco wararkeena soo socda insha Allaah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -