Xildhibaanada Mooshinka wada oo baaq xasaasi ah u diray Madaxweyne Farmaajo

Xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa soo saaray Baaq ay Madaxweynaha uga dalbanayaan in uu aqbalo mooshinka ka yaala.

Qoraal kooban ay soo saareen Xildhibaanada ayey uga codsadeen Madaxweyne Farmaajo Inuu u hoggaansamo dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla.

Xildhibaanada mooshinka saxiixay ayaa sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ku wargaliyay in uusan xil magacaabi karin sidoo kale uusan sameyn karin xil ka qaadis inta uu mooshinka ka yaalo.

Waxa ay sidoo kale Xildhibaanada mooshinka gudbiyay Madaxweyne Farmaajo ku wargaliyeen in uusan gali karin wax heshiis ah sidoo kale uusan u bixi karin dalka dibadiisa inta mooshinka meel uga dhacayo.

Baaqan ay soo saareen Xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili Xoghayaha golaha shacabka maanta shaaca ka qaaday in uu buray mooshinkii laga gudbiyay Madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -