War Cusub : Gudoomiye Mursal oo ka guuraya Guriga uu ka degan yahay Madaxtooyada

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in gudoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal uu qorsheeshanayo in uu ka guuro dhismaha uu ka degan yahay Madaxtooyada Soomaaliya.

Maxamed Mursal ayaa hada ka degan Madaxtooyada guriga Martida ee loo yaqaan Villa Uganda, waxa uuna la kulmay saacadihii lasoo dhaafay Gudoomiyaha cadaadis iyo go’doomin uga imaaneysay Madaxtooyada.

Sida aan Wararka ku helnay Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa u guuraya gurigii uu horey u degnaa Gudoomiyihii hore ee golaha shacabka Jawaari oo ku dhax yaala xarunta Villa Hargeysa .

Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa doonaya in uu kasoo baxo xeendaabka cadaadiska ku saaran yahay, waxa uuna doonayaa in uu dego Villa Hargeysa si ay uga yaraato go’doominta.

Xildhibaanada golaha shacabka iyo siyaasiyiin doonayay in ay la kulmaan gudoomiyaha golaha shacabka ayaa loo diiday in ay ka gudbaan ganjeelka laga galo Madaxtootada, waxa ayna taasi sababtay in Gudoomiyaha adkaato in loo tago.

Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa hadii uu soo dego xarunta Villa Hargeysa waxaa ka yaraanaya cadaadiskii uu kala kulmayay Madaxtooyada Soomaaliya waxaana xildhibaanada u fududaan doonto in ay u tagaan xiligii ay doonaan.

Xildhibaano katirsan golaha shacabka ayaa sheegay in gudoomiyaha lagu hayo go’doomin sidoo kale guriga uu ka degan yahay Madaxtooyada Soomaaliya laga jartay biyihii iyo cuntada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -