Allbanaadir.com
NEWS

Taajir Afrikan ah oo geeriyooday oo maanta lagu aasayo magaalada Madiina

Mid ka mid ah ganacsatada ugu taajirsan Nigeria, Aminu Dantata, ayaa lagu wadaa in lagu aaso dalka Sacuudiga, ka dib markii uu Sabtidii ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta.

Ganacsade Dantata, oo 94 jir ah, oo ah adeerka ninka ugu taajirsan Afrika Aliko Dangote, ayaa ka tagay saddex xaas, 21 carruur ah iyo 121 uu awoowe u yahay.

Meydka marxuumka ayaa lagu waday in laga soo wareejiyo Abu Dhabi, halkaasoo uu ku geeriyooday, waxaana la geyn doonaa magaalada barakeysan ee Madiina, kadib markii maamulka Sacuudiga ay oggolaadeen in lagu aaso dalkooda.

Wasiirka Warfaafinta Nigeria Mohammed Idris ayaa BBC u sheegay in aaska uu dhici doono maanta oo Talaado ah iyadoo safaaradda Nigeria iyo qoyskuba ay ka shaqaynayaan dhammaystirka dukumentiyada lagama maarmaanka ah.

Waxay ahayd rabitaankiisa in lagu aaso magaaladii uu ku noolaa Nabi Muxamed kuna dhintay.

Madaxweynaha Nigeria Bola Tinubu ayaa bayaan uu soo saaray ku tilmaamay geerida Dantata inay tahay “khasaare qaran oo weyn”.

Waxa uu sheegay in Dantata uu gacan ka geystay “wax ku biirinta wanaagsan ee kobaca Nigeria” ilaa tobannaan sano oo ganacsi, adeeg, iyo samafal.

Waxa uu caan ku ahaa hawlihiisa samafalka oo uu ka sameyn jiray gudaha Nigeria dhan. Sanadkii hore, waxa uu ugu deeqay 1.5 bilyan oo naira ($972,000; £710,000) dhibanayaasha daadadka ba’an ee ka dhacay waqooyi-bari gobolka Borno.

Ganacsigiisa wuxuu ahaa dhanka wax beerashada, hantida ma guurtada ah, dhismaha iyo wax soo saarka.

Waxa uu markii ugu horaysay magaciisa ka sameeyay beeraha, isaga oo bilaabay ka ganacsiga lawska sanadkii 1940-kii.

Waxa uu ka soo jeedaa qoys ganacsi – Aabihiis Alhassan Dantata waxa mar loo tirinayey inuu yahay maalqabeenka ugu qanisan Galbeedka Afrika.

Inkastoo uu qani ahaa, Dantata wuxuu ku noolaa mid ka mid ah meelaha ugu saboolsan waqooyiga magaalada Kano, sidii waalidkii isaga ka horreeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaalo qaraar oo ka socda agagaarka Isbitaalka Al-Shifa & Xoogaga Xamaas oo..

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo shaacisay beesha uu ka soo jeedo ninkii fuliyey qaraxii Baladweyne

Caydiid Ali

Somalia oo loogu deeqay Malaayiin dollar oo loogu talo galay ka hortaga Coronavirus

Caydiid Ali
Taboola Ads ---