Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax Xildhibaano Waxyeelo kasoo gaartay oo ka dhacay Jowhar

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in goordhaw maqaayad halkaasi kutaala uu ka dhacay qarax waxyeelo kasoo gaaray Xildhibaano iyo dad shacab ah.

Qaraxan oo ahaa nuuca miinada dhulka lagu aasi ayaa ku dhaawacmay goob maqaayad ah oo kutaala xaafada Kulmis ayna ku sugnaayeen Xildhibaano, Odayaal iyo dad kale oo shacab ah.

Qaraxan ayaa la sheegay in ku dhintay hal qof sidoo kale ku dhaawacmeen dhoor qof ay ku jiraan labo Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka Hirshabelle , laamaha amaanka magaalada Jowhar ayaana wali faah faahin ka bixin qaraxan iyo khasaaraha ka dhashay.

Ciidamada booliiska magaalada Jowhar ayaa baaritaano ka sameeyay goobta uu qaraxu ka dhacay , mana jiraan faah faahino booliiska iyo maamulka Hirshabelle ka bixiyeen qaraxan khasaaraha sababay.

Waxii Warar kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -