Ciidamada Qaranka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa howlgal ballaaran oo ka dhan ah al shabaab ka wada degmada Masjid Cali Guduud iyo deegaanka Geelgub ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalkan oo soo bilowday saaka ayay Ciidamadu ku xoreeyeen dhul baallaran, iyadoo howlgalka ugu xooggan uu hadda ka socdo gudaha Magaalada Masjid Cali Guduud oo lagu haramayo sida ay sheegtay DF
“Intii howlgalku uu socday waxaa lagu khaarajiyay maleeshiyaad badan oo ka tirsan Khawaarijta” ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay DF
Warar laga helayo ilo madax banaan ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay Al shabaab ka saareen inta badan degaanka inkastoo uu socdo dagaal la isku habeensaday.
khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaaladan kaasoo kala gaaray labada dhinac inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin, waxaana adag isgaarsiinta degaanka.