Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Weerar ismniidaamin ah oo lala beegsaday Safaarada Maraykanka ee Tunnis (Sawirro)

Qarax ayaa ka dhacay agagaarka safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada caasimadda ah ee Tunis.

Qof isa soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay halkaas, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganeyso mid kamid ah warbaahinta gudaha ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhaawacantay qarax ka dhacay agagaarka safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada caasimadda ah ee Tunis.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qofka weerarka fuliyay uu saarnaa mooto halkaas timid ka dibna uu isqarxiyey, iyadoo saraakiisha amaanku ay sheegeen iney baarayaan waxaa uu ahaa qofka isqarxiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Ruushka oo kaabiga ku haya Magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine

Caydiid Ali

Ciidamada Kenya oo Duqweyn culus ka geestay Deegaan horey loogu laayay (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxay Madaxda dowlad goboleedyada ka yiraahdeen dhameystirka dastuurka?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---