Allbanaadir.com
NEWS

Shiikh Aadan Madoobe & Wafdi uu horkacayo oo Garowe lagu soo dhoweeyey (Sawirro)

Ku-simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan labadiisa ku-xigeen ayaa soo gaaray Magaalada Garoowe  ee Caasimada Puntland.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Jeneral Maxamed Abshir ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Sidoo kale soo dhaweynta waxaa qeyb Ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Duqa Magaalada Garoowe, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland, Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuummada Puntland, xildhibaanno kamid ah DFS, saraakiil & dadweyne kale. intaasi ka dib Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa loo gudbiyay Hoyga Martida ee Madaxtooyada Puntland.

Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS uu ku yimid magaalada Garoowe waxaa ku wehliya Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS,  iyadoo inta Garoowe joogaan ka shaqeyn doonaan nidaaminta shaqada Guddiga Joogtada ah iyo u diyaargarowga Kalfadhiga 2aad BJFS, waxaana sanadihii hore shirarkan lagu qaban jiray dalka dibadiisa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Shacabka iyo dowaladda soo dhaweynta wanaagsan ee loo sameeyay islamarkaana  warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DPL, isagoo uga warbixiyey xaalada guud ee deegannada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne caan ah oo laga helay nooca cusub ee cudurka COVID-19 Amicron

Caydiid Ali

Dowlada oo faah faahisay khaladaadka uu galay iyo sababta dalka looga eryay Nicholas Haysom 

Cabdi Cade

DF oo shaacisay ineysan jirin duulimaadyo ka xaniban Baardheere

Caydiid Ali
Taboola Ads ---