Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Putin oo shaaciyey inuu qaadayo talaabo halis ah & reer Yurub oo ka walaacsan

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in gantaalaha riddada gaaban ee nukliyeerka uu siini doono dalka ay xulufada yihiin ee Belarus isla markaana uu siinayo bilaha soo socda.

Waxa uu sheegay in hubka Iskander-M “uu awood u leeyahay in uu xambaaro gantaallada baalistic-ga ah iyo kuwa caadiga ah iyo noocyada nukliyeerka ah”.

Hubkan uu Ruushka siinayo Belarus ayaa gaari karaa masaafo dhan 500 oo kiiloomiitar.

Putin oo ka hadlayay magaalada St Petersburg, wuxuu sheegay in dalkiisa uu gacan ka geysan doono sidii wax looga beddeli lahaa diyaaradaha dagaalka ee Belarus gaar ahaan nooca SU-25 si loogu rakibo hubka Nukliyeerka ah.

Xiisadda u dhaxeysa Ruushka iyo reer Galbeedka ayaa cirka isku sii shareertay, kadib markii Ruushka uu ku duulay Ukraine.

Putin ayaa tan iyo xilligaas wuxuu tilmaan ka bixiyay hubka Nukliyeerka, taasoo dadka qaar ay ku macneeyeen in uu digniin u dirayo dalalka reer galbeedka si aysan usoo faragelin dagaalka uu ku qaaday Ukriane

Related posts

Madaale oo kulan isla xisaabtan ah la qaatay Maamulada labo degmo (Sawirro)

Caydiid Ali

Caro badan oo ka dhalatay Muuqaal ay iska soo duubeen askar katirsan Booliiska Kenya

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo xulka Galmudug gudoonsiiyey koobka dowlad goboleedyada (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---